Maareeyaha Dekedda Muqdish, Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa noqday maareeyihii ugu horreeyay tan iyo burburkii Dowladdii dhexe oo si toos ah kormeer ugu kuurgala habsami u socodka howlaha soo xirashada maraakiibta imanaysa Dekedda Muqdisho.
Kormeerkan taariikhiga ah ayaa muujinaya dadaalka maamulka cusub ee lagu xoojinayo shaqada dekedda, taas oo kor loogu qaadayo adeegyada badda, isla markaana lagu hubinayo in howlaha maraakiibta ay u socdaan si hufan, amni leh, iyo nidaamsan.