Mogadishu Port Authority

IMG_7411
Boqashada jamacada City University

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa booqasho rasmi ah ku tagay City University of Mogadishu halkaas oo uu ardayda iyo bahda Jaamacadda uga jeediyey muxaadaro muhiim ah oo cinwaankeedu ahaa “Isku-xirka Soomaaliya iyo Ganacsiga Caalamka.”

Mareeyaha Guud ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay dekedaha, ganacsiga badda iyo isku-xirka caalamiga ahi u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, abuurista fursado shaqo iyo xoojinta doorka Soomaaliya ee ganacsiga gobolka iyo kan caalamka.

Booqashada waxaa si diirran u soo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda, Prof. Cabdullaahi A. Barise, maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda.