Mogadishu Port Authority

0FAB4755-EB52-4756-A70E-DCCA55D696F0
Asaaka mareeyihi hore ee Dekada muqdisho

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur ( Americo ) Mareeye ku-xigeenka Dekadda Mudane Abdallah kaarshe, Wasiiro, Xildhibaano & Maareeyayaashii hore ee soo maray Dekedda Muqdisho iyo boqolaal shacab ah ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgalay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho, Marxuum Cabdullaahi Cali Nuur, oo dhawaan ku geeriyooday dalka Malaysia.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeybgalay salaada janaasada iyo aaska marxuumka ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, halka qoyska, qaraabada iyo dhammaan eheladii uu ka geeriyoodayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.