Mogadishu Port Authority

a5c3df1a-d8ac-4608-9f5e-3a4d09033518
Gudoomiyaha Cusub ee golaha shacabka JFS

Hambalyo Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya.

Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Abdulkadir Mohamed Nur oo ku guuleystay hoggaaminta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu si gaar ah u xusayaa oo uga mahadcelinayaa shaqadii wanaagsanayd iyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu Mudanuhu ka soo qaatay horumarinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, iyo sidoo kale horumarka ballaaran ee ay Dekedda Muqdisho ku tallaabsatay muddadii uu xilka hayay.

Waxaan ku kalsoonahay in khibraddiisa, hoggaamintiisa iyo dadaalkiisa ay sii xoojin doonaan horumarka iyo shaqada muhiimka ah ee Golaha Shacabka iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed.