Mogadishu Port Authority

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo kormeeray dhisamaha Cusub ee Maamulka Dekadda Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Amb Mohamed Ali Nur oo uu wehliyo Maareeye Ku-xigeenka Dekadda Dr. Ali Haji Mohamed, ayaa maanta booqday dhismaha cusub ee casriga ah ee Dekedda, oo haatan gabagabo ku dhow.

Fulinta mashruucan ayaa ah mid lagu casriyeynayo Dekedda Caasimadda, maadaama dhismaha hadda lagu shaqeeyo uu yahay kii birisamaadkii, waxaana la filayaa in Dhawan la soo gabagabeeyo hirgelinta dhismahan casriga ah.