Mogadishu Port Authority

Shirkadda Marina Seafood

Dekedda Muqdisho waxa maanta lagu soo dhaweeyay Marina Seafood, iyo doontoda Maaya mooya oo ka shaqeysa dhoofinta kalluunka Soomaaliya ayago gaarsiiya suuqyada caalamka.

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa bogaadiyay shirkadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiirraday maalgashiga iyo dhoofinta khayraadka dalka.