Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa ka qayb galay dood-wadaagga 3-aad ee Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya (#SMC2026), isagoo adkeeyey muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay isu socodka maraakiibta caalamka.
Wuxuu soo bandhigay qorshaha dekeda cusub oo 35 km u jirta Muqdisho oo leh Aag Dhaqaale oo Gaar ah (SEZ), sidoo kalena xusay in Dekedda Muqdisho ay hadda shaqeyso 24/7 si loo dardargeliyo ganacsiga iyo adeegyada.
#SMC2026
