TACSI
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur, iyo dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo ehelada Marxuum Cabdullaahi Cali Nuur, oo ahaa Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho.
Waxaan Alle uga baryeynaa Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, halka qoyska, qaraabada iyo dhammaan eheladii uu ka geeriyoodayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.
