Mogadishu Port Authority

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdisalaan Sheekh Xuseen.

Waxaa sharaf iyo farxad inoo ah inaan Dekedda Muqdisho ku soo dhaweynno Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdisalaan Sheekh Xuseen.

Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyay Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur iyo Maareeye Ku-xigeennada Dekedda Muqdisho Dr Ali Haji Mohamed, Eng Ismail Aw Musse & Mudane Abdallah kaarshe.

Intii uu booqashada ku guda jiray, wasiirka waxaa warbixin laga siiyay howlaha baaxadda leh, horumarka iyo mashaariicda ka socda Dekedda Muqdisho, iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dekedda.

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Wasiirka shaqadii wanaagsaneyd iyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka soo qaatay horumarinta Wasaaradda iyo Dekedda Muqdisho intii uu xilka hayay.