Mogadishu Port Authority

a3259d4d-f037-4d59-a450-136c4df73c67
Garoonka Wiish Stadium waxaa lagu qabtay ciyaar kubadda koleyga ah oo dhex martay naadiyada Dekedda iyo Horseed, taas oo qeyb ka ahayd munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, laguna maamuusayay maalmaha taariikhiga ah ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo

Garoonka Wiish Stadium waxaa lagu qabtay ciyaar kubadda koleyga ah oo dhex martay naadiyada Dekedda iyo Horseed, taas oo qeyb ka ahayd munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, laguna maamuusayay maalmaha taariikhiga ah ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Ka hor ciyaarta, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Mohamed Abdulkadir ayaa Garoonka Wiish ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta JFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda, Wasiirka Gaashaandhigga JFS Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda JFS Mudane Mohamed Abdulkadir

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, masuuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga iyo xubno kale oo ka tirsan bahda isboortiga.

Munaasabaddan ayaa muujisay doorka muhiimka ah ee isboortigu ku leeyahay xoojinta midnimada, waddaniyadda iyo dabaaldegga maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda Soomaaliya.