Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Mudane Ambassador Mohamed Ali Nur ka qeygalay Kulan ay Soo Agaasimeen Ururka Ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolka Washington.
Kulanka waxaa ka hadlay ganacsato, aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaasha ururrada bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la is dhaafsaday fikrado iyo talooyin wax ku ool ah oo diiradda lagu saaray dib u dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo doorka qurba-joogtu ka qaadan karto kobcinta Soomaaliya.
Mareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Ambassador Mohamed Ali Nur ayaa jeediyay khudbad dheer oo uu kaga warbixiyay horumarka ka socda Dalka iyo shaqada ay hayso Dekedda Muqdisho. Waxa uu si gaar ah uga hadlay qorshayaasha lagu casriyeynayo dekedda, kor u qaadista adeegyada badda, iyo Mashruuca Dekadda Cusub ee Muqdisho.
