Mogadishu Port Authority

5f826a1e-6c21-453a-8464-8390bddbc11c
Maareeyaha Guud Ee Dekedda Muqdisho oo kulan ka yeeshay Mashruuca FORLIS iyo fursadaha iskaashi ee Soomaaliya iyo Talyaaniga

Muqdisho, 26 Agoosto 2026 Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb Mohamed Ali Nur ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Ahmed Faghi Elmi, kulan diiradda lagu saaray fursadaha iskaashi ee dhinacyada tababarka xirfadeed, saadka dekedaha iyo horumarinta xirfadaha.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Mudane Abdullahi Hamud, Wasiiru-dowlihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay Mashruuca FORLIS – Tababar iyo iskaashi ku saabsan saadka dekedaha iyo adeegyada logistiga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya, kaas oo ay maalgelisay Gobolka Ismaamulka Friuli-Venezia Giulia.

Diiradda gaarka ah waxaa la saaray 14 dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo hadda ku jira marxaladda diyaarinta iyo barashada afka Talyaaniga ee Xarunta Tababarka Dhallinyarada Rawdah ee Muqdisho, kahor inta aysan u ambabixin Talyaaniga.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay fursado iskaashi oo ay ka mid yihiin booqasho waxbarasho oo dhalinyaradu ku tagaan Dekedda Muqdisho kahor safarkooda Talyaaniga, suurtagalnimada shaqo-barasho dhammaadka barnaamijka gudaha nidaamka dekedda Trieste, iyo horumarinta barnaamijyo Training of Trainers ah.

Maareeye ayaa soo dhaweeyay mashruuca, isagoo tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in la horumariyo xirfado farsamo gaar ahaan kuwa ku saabsan dekedaha iyo logistiga.