Mogadishu Port Authority

Wafdi ka socday Akkon Lines ee Türkiye ayaa booqasho ku yimid Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ku kormeereen howlaha dekedda isla markaana lagu soo bandhigay fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga iyo logistics

Wafdi ka socday shirkadda Akkon Lines ee Türkiye ayaa maanta booqasho rasmi ah ku imaaday Dekedda Magaaladda Muqdisho, waxa soo dhaweeyay maareeyaha guud ee dekedda muqdisho Mudane Danjire mohamed ali nur (Americo) iyagoo u kuur-galay howlaha dekedda iyo fursadaha iskaashi ee dhinaca rarista konteenarada iyo logistics. Booqashadan ayaa muujineysa xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Dowladda Türkiye iyo soomaaliya, gaar ahaan horumarinta adeegyada maraakiibta iyo isku xirka dekeddaha.

 

Iskaashi cusub, horumar cusub.