Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur ( Americo ) ayaa booqday xarunta Jaamacadda Benadir, waxaana uu ardayda Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka Jaamacadda u soo jeediyay mowduuc ka hadlayay Ganacsiga, Saadka (Logistics), iyo Mustaqbalka Dhaqaalaha Soomaaliya.