Mogadishu Port Authority

IMG_6559
Hambalyo Maalinta Caalamiga ah ee Badmaaxiinta

Hambalyo Maalinta Caalamiga ah ee Badmaaxiinta.

Maanta oo kale, dunida waxaa laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Badmaaxiinta. Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu si weyn ugu Hambalyeynayaa uguna mahadcelinayaa dhammaan badmaaxiinta caalamka, gaar ahaan badmaaxiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata isku xirka dalalka, horumarinta ganacsiga badda, iyo kobcinta dhaqaalaha dunida.

Badmaaxiintu waa laf-dhabarta howlaha badda iyo ganacsiga caalamiga ah, iyagoo dadaal iyo adkeysi ku bixiya sidii badeecadaha, adeegyada, iyo fursadaha ganacsi ay u gaari lahaayeen bulshooyinka dunida.