Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa kulan wax ku ool ah kula yeeshay xafiiskeeda Duqa Magaalada Seattle, Mayor Katie B. Wilson kaas oo diiradda lagu saaray arrimo dan wadaag ah iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga.
Maareeyaha Guud Dekadda Muqdisho ayaa uga mahadceliyey Duqa hoggaankeeda iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso bulshooyinka Bariga Afrika iyo Soomaalida Ameerikaanka ah. Sidoo kale Maareeyaha ayaa uga mahadceliyey soo dhoweyntii diirranayd ee loo sameeyey, isaga oo muujiyey rajada ah in iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac uu sii xoojismo, si loo gaaro himilooyinka iyo danaha la wadaago.
Ugu dambeyn, Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinaya Abdi Jama Lataliyaha Duqa Magaalada Seattle, Ali Scego iyo Ubah Adan, kaalintii ay ka geysteen qabanqaabada kulanka iyo soo dhoweynta diirran.
