Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa soo xiray tababar loo qabtay Xafiiska Warbaahinta Dekedda Muqdisho, kaas oo uu bixiyey Agaasimaha Caafimaadka iyo Badqabka Dekadda Mudane Iman Mohamed.
Tababarku wuxuu diiradda saaray xoojinta wacyiga iyo fahamka shaqaalaha warbaahinta ee arrimaha caafimaadka, Rarista, dejinta, badqabka iyo amniga goobta shaqada, si kor loogu qaado tayada iyo mas’uuliyadda shaqada warbaahinta Dekedda Muqdisho.
Maareeyaha ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha.