Kooxda kubadda koleyga Naadiga Dekedda Muqdisho ayaa maanta munaasabad ka dhacday Dekedda Muqdisho koobkii ay dhowaan ku guuleysteen ku wareejiyay masuuliyiinta wasaardada dekeddaha iyo maamulka Dekedda Muqdisho.
Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, ahna Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle, Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur iyo maareeye ku-xigeennada Dekedda Muqdisho.