Maamulka Dekadda Muqdisho ayaa maanta wareejiyay laba konteenar oo ay ku jiraan agabyo caafimaad oo ka yimid dalka Switzerland, kuwaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo hawlaha caafimaad ee Isbitaalka Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Agaasimaha Xafiiska Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Mudane Nor Said Tahlil ayaa ka warbixiyay konteenarrada la wareejiyay, isaga oo sheegay in Maamulka Dekadda Muqdisho ay ka go’an tahay in ay si hufan ugu adeegaan ummadda Soomaaliyeed.
Agaasimaha Isbitaalka Jowhar, Dr. Ramla Cabdiraxmaan Cilmi, ayaa sheegtay in agabyadan caafimaad ay yihiin kuwo ay baahi weyn u qabeen, isla markaana lagu xoojin doono hawlaha caafimaad ee Isbitaalka Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
