Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Abdirisaaq Axmed Cali, ayaa ka kawada hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Deegaanka iyo Dekedda Muqdisho, si loo adkeeyo la socodka iyo xakamaynta waxyaabaha deegaanka waxyeelleeya, sida bacaha hal-mar la isticmaalo iyo gaasaska waxyeellada u geysta lakabka Ozone-ka, kaas oo sababa kuleylka caalamiga ah iyo isbeddelka cimilada.
Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa, Maareeye Ku-xigeenada Dekedda, iyo maamulka Dekada ee wasaaradda Maaliyadda.