Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa tababar lagu baranayay sida xogta loo falanqeyo u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Dekedda Muqdisho, Tababarka oo uu bixiyey agaasimaha waaxda IT ga ee maamulka dekada muqdisho mudane Cabdifatax Maxamed axmed.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayay sidii shaqaalaha loogu xoojin lahaa aqoonta iyo xirfadaha la xiriira falanqaynta xogta iyo diyaarinta warbixinnada shaqada.