Mogadishu Port Authority

WhatsApp Image 2026-04-01 at 11.44.06 PM (1)
Wafdi uu hoggaaminayo Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, kana wakiil ah Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa gaaray magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka, halkaas oo ay kaga qayb galayaan Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka. Madashan oo maanta ka furantay St. Petersburg, Russia, ayaa lagu gorfeynayaa arrimaha cusub ee ka soo kordhay marinada muhiimka ah ee caalamka, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha, ganacsiga, iyo isu socodka badeecadaha dunida. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa halkaas ku soo bandhigi doonta sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada isbeddellada iyo horumarka ka socda gaadiidka iyo saadka caalamiga ah. Maareeyaha iyo wafdigiisa waxaa sidoo kale soo dhaweeyey, isla markaana ku wehelinaya barnaamijka, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, Danjire Maxamed Abuukar Zubeyr.

A delegation led by H.E. Ambassador Mohamed Ali Nur (Americo), The Director General of Mogadishu Port Authority, Representing the Minister of Ports and Marine Transport of the Federal Government of Somalia, H.E. Abdulkadir Mohamed Nur, Arrived in St. Petersburg, Russia to participate in the International Transport and Logistics Forum.

The forum, which officially opened today in St. Petersburg, brings together global stakeholders to discuss emerging developments in key international transport corridors critical arteries for global trade, economic growth, and the movement of goods worldwide.

During the forum, the Federal Government of Somalia will present its commitment to actively engaging in the ongoing transformation and advancement of the global transport and logistics sector.

The Director General & his delegation were also received and accompanied throughout the Forum by Somalia’s Ambassador to the Russian Federation, H.E. Mohamed Abukar Zubeyr.