Maamulka Dekedda Muqdisho, oo ay hoggaaminayaan maareeye ku xigeennada Dr. Cali Xaaji iyo Cabdullaahi Kaarshe, ayaa kulan la yeeshay Dawud Zhao oo ka socda Shiinaha, kana shaqeeya saadka iyo loojistikada. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta qulqulka badeecadaha iyo sidii loo…
Intii uu socday Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka, wafdi uu hoggaaminayay Mudane Amb Mohamed Ali Nur (Americo), Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka iyo saadka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Naif Saleh Samkari, Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badda iyo Najla Alfarraj, Khabiir ku takhasustay Arrimaha Deegaanka. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga arrimaha badda, hirgelinta is afgaradka labada dhinac, iyo istaraatiijiyadda (IMO)ee ilaalinta deegaanka iyo yareynta qiiqa.
During the International Transport and Logistics Forum, a delegation led by H.E. Amb. Mohamed Ali Nur (Americo) the Director General of the Mogadishu Port Authority, held a high-level meeting with representatives from the Ministry of Transport and Logistics of the Kingdom…
Wafdi uu hoggaaminayo Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, kana wakiil ah Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa gaaray magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka, halkaas oo ay kaga qayb galayaan Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka. Madashan oo maanta ka furantay St. Petersburg, Russia, ayaa lagu gorfeynayaa arrimaha cusub ee ka soo kordhay marinada muhiimka ah ee caalamka, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha, ganacsiga, iyo isu socodka badeecadaha dunida. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa halkaas ku soo bandhigi doonta sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada isbeddellada iyo horumarka ka socda gaadiidka iyo saadka caalamiga ah. Maareeyaha iyo wafdigiisa waxaa sidoo kale soo dhaweeyey, isla markaana ku wehelinaya barnaamijka, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, Danjire Maxamed Abuukar Zubeyr.
A delegation led by H.E. Ambassador Mohamed Ali Nur (Americo), The Director General of Mogadishu Port Authority, Representing the Minister of Ports and Marine Transport of the Federal Government of Somalia, H.E. Abdulkadir Mohamed Nur, Arrived in St. Petersburg, Russia to…


