Mogadishu Port Authority

WhatsApp Image 2026-04-04 at 11.43.00 PM
Intii uu socday Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka, wafdi uu hoggaaminayay Mudane Amb Mohamed Ali Nur (Americo), Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka iyo saadka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Naif Saleh Samkari, Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badda iyo Najla Alfarraj, Khabiir ku takhasustay Arrimaha Deegaanka. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga arrimaha badda, hirgelinta is afgaradka labada dhinac, iyo istaraatiijiyadda (IMO)ee ilaalinta deegaanka iyo yareynta qiiqa.

During the International Transport and Logistics Forum, a delegation led by H.E. Amb. Mohamed Ali Nur (Americo) the Director General of the Mogadishu Port Authority, held a high-level meeting with representatives from the Ministry of Transport and Logistics of the Kingdom of Saudi Arabia. The Saudi delegation included Naif Saleh Samkari, Director of the Marine Environment Department, and Najla Alfarraj, an Environmental Specialist. Discussions focused on strengthening maritime cooperation, advancing the implementation of the existing memorandum of understanding, and aligning efforts with the International Maritime Organization (IMO) strategy on environmental protection and emissions reduction.