Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur ( Americo ) ayaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho. Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo, qiimeynta guulaha la gaaray, iyo horumarka laga sameeyay adeegyada dekedda. Sidoo kale, waxaa kulanka ka qeyb galay maareeye ku xigeennada dekedda, iyagoo ka qeyb qaatay falanqeynta iyo talooyinka lagu horumarinayo waxqabadka guud ee dekedda.