Maanta oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah ee Badaha Adduunka, Maamulka Dekedda Muqdisho waxa uu ku biiraya dadaallada caalamiga ah ee lagu xusayo muhiimadda ay baduhu u leeyihiin nolosha, ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarka bulshooyinka.
Baduhu waa halbowlaha isku xira dalalka, kobciya ganacsiga, isla markaana fura fursado dhaqaale oo waara.
Dekedda Muqdisho waxa ka go’an ilaalinta deegaanka badda, kor u qaadista howlaha dekedaha ee waara, iyo dhowrista khayraadka badaha si ay uga faa’iideystaan jiilasha maanta iyo kuwa berri.
Aan si wadajir ah u ilaalino baddeenna, una xoojino doorkeeda horumarinta dhaqaalaha iyo mustaqbalka dalkeenna.
#MaalintaBadahaAdduunka #DekeddaMuqdisho #BlueEconomy #IlaalintaBiyaha #HorumarkaBadda #Soomaaliya
