Mogadishu Port Authority

IMG_6395
Kulanka jamacadda Simad

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay SIMAD University, halkaas oo uu ardayda iyo bahda jaamacadda uga jeediyay muwduuc muhiim ah oo ku saabsan “Furitaanka Awoodda Ganacsi ee Soomaaliya.” Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen Jamacadda Simad & SIMAD Innovation Lab ayaa diiradda lagu saaray fursadaha ganacsi ee dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo doorka dekedaha ee horumarka Soomaaliya.

Maareeyaha waxaa si diirran u soo dhoweeyay Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Mudane Abdikarim Mohaidin Ahmed, iyo hormuudka Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Kulliyadda Culuumta Maamulka.