Mogadishu Port Authority

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur oo ay wehliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dekedda Muqdisho, Eng. Ismail Aw Musse iyo Dr. Ali Haji Mohamed ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta Dekedda Muqdisho Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud. Booqashada ayaa qayb ka ahayd xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Dekedda Muqdisho, iyadoo kulanka lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay dalxiiska & kor u qaadidda wacyigelinta bulshada ee doorka Dekedda Muqdisho ku leedahay kobaca dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, iyo adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur oo ay wehliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dekedda Muqdisho, Eng. Ismail Aw Musse iyo Dr. Ali Haji Mohamed ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta Dekedda Muqdisho Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud.

Booqashada ayaa qayb ka ahayd xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Dekedda Muqdisho, iyadoo kulanka lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay dalxiiska & kor u qaadidda wacyigelinta bulshada ee doorka Dekedda Muqdisho ku leedahay kobaca dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, iyo adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.