Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Mudane Amb. Maxamed Cali Nuur, oo uu weheliyo Maareeye Ku-xigeenka Dekadda, Mudane Cabdalle Karashe iyo maamule kuxigeenka furdada Dekadda Mudane hassan nur. ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Yaasiin Maxamuud Cibaar oo booqasho rasmi ah ku yimid Dekadda Muqdisho.
Booqashadan ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Dekadda Muqdisho iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta ganacsiga, fududeynta adeegyada ganacsatada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Maamulka Dekadda ayaa Guddoomiyaha cusub ku soo dhaweeyey xarunta Dekadda, iyagoo uga warbixiyey howlaha dekadda, adeegyada ay bixiso iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.
Booqashada ayaa sidoo kale fursad u ahayd labada dhinac inay ka wada hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha ganacsiga iyo Dekadda Muqdisho.