Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa ka qaybgalay maalintii labaad ee Shirka Bulshada Bariga Afrika EACON, isagoo ka mid noqday dood-wadaag cinwaankiisu ahaa
“Isku-xirka Soomaaliya iyo Bariga Afrika: Ka Faa’iidaysiga Jidadka Ganacsiga, Dekedaha iyo Dhaqaalaha Buluugga ah si loo Xoojiyo Ganacsiga iyo Isku-xirnaanta Gobolka.”
Dood-wadaaggu wuxuu diiradda saaray xoojinta ganacsiga gobolka, horumarinta marinnada gaadiidka iyo saadka, iyo ka faa’iidaysiga muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee dhanka badda si loo kobciyo isku-xirnaanta iyo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Bariga Afrika.
