Maareeye ku xigeenka Dekedda Muqdisho Dr. Ali Haji Mohamed ayaa hab fogaan arag ah uga qayb galay meertada 65 aad ee shirka midowga Dekeddaha Carabta Dekedda Muqisho ayaa Soomaaliya ku matashay kulanka.
Shirka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay kamid tahay Horumarinta dekedaha iyo adeegyada badda, Xoojinta iskaashiga dekedaha dalalka Carabta, Casriyeynta dekedaha iyo adeegyada dijitaalka ah iyo tababarka iyo kobcinta xirfadaha dekedaha.
