Isdhexgalka Gobolka oo loo Beddelayo Fursado Ganacsi.
Intii uu socday Madasha Global Somali Entrepreneurship Forum 2026, Maareeyaha Guud Ee Maamulka Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa iftiimiyay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka dhashay xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha lagu horumarinayo deked cusub ee laga hirgelinaayo Muqdisho, taas oo door muhiim ah ka qaadan doonta kobcinta ganacsiga, xoojinta isku-xirka gobolka iyo dardargelinta kobaca dhaqaalaha dalka.
Farriintiisa ku aaddan ganacsatada iyo maalgashadayaasha ayaa ahayd mid cad: Fursaduhu way jiraan, mana aha in ganacsatadu sugaan in dowladdu kaligeed dhisto dhammaan adeegyada taageeraya ganacsiga. Waa inay ka faa’iideystaan fursadaha jira, maalgashadaan, isla markaana dowladda kala shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka.
Maamulka Dekedda Muqdisho waxaa ka go’an xoojinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd marin muhiim u ah ganacsiga gobolka.
