Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Madasha Maalgashiga Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee PMAESA 2026, oo ka dhacaysay magaalada Dar es Salaam, ee dalka Tanzania.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi, horumarinta kaabayaasha dekedaha iyo xoojinta doorka Soomaaliya ee ganacsiga gobolka.
Dekedda Muqdisho — Maalgashi, Iskaashi iyo Horumar Waara.
