Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama ayaa maanta kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay shirkadda Marina Seafood iyo doontooda Maanya Mooya oo ka shaqeysa kaluumaysiga kaluunka Soomaaliya, maadaama lagu guda jiro asbuuca kaluumaysiga Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, oo uu wehliyay Wasiirka Kalluumeysiga XFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa dekedda waxaa ku soo dhaweeyay maareeye ku-xigeennada Dekedda Muqdisho, Dr. Ali Haji Mohamed iyo Ismail Aw Musse.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, oo kormeeray doontaan oo ku soo xiratay dekedda Muqdisho ayaa bogaadiyay shirkadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiirraday maalgashiga iyo dhoofinta khayraadka dalka, isagoo sheegay inay ka go’an tahay dhiirrigelinta iyo fududeynta ganacsiga, iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo ganacsatada wax dhoofisa, si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha dalkeenna.
