Mogadishu Port Authority

Screenshot
Booqashada wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda JFS.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS Mudane Cabdulqaadir Cumar Macallin, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Dekedda Muqdisho.

Wasiirka waxaa si diirran uu soo dhaweeyay Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur iyo Maareeye Ku-xigeennada Dekedda.

Sidoo kale, soo dhaweynta waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Saldhigga Booliska Dekedda Muqdisho & Taliyaha NISA ee dekada Muqdisho.

Booqashadan ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Wasaaradda iyo Maamulka Dekedda Muqdisho, si loo sii horumariyo howlaha iyo adeegyada dekedda.