Waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan soo bandhigno horumar muuqda oo ay Dekedda Muqdisho ka gaartay Tusmada Waxqabadka Dekedaha Konteenarrada (CPPI) ee heerka caalamiga ah.
2024 Kaalinta 163aad ee caalamka
2025 Kaalinta 127aad ee caalamka
Qiimeyntan caalamiga ah waxaa lagu sameeyay in ka badan 407 dekedood oo adduunka ah, iyadoo CPPI ay qiimeyso waxqabadka iyo hufnaanta dekedaha, gaar ahaan waqtiga maraakiibta konteenarradu ku qaataan dekedda.
Laga soo bilaabo kaalinta 163aad ilaa 127aad, Dekedda Muqdisho waxay muujisay horumar la taaban karo, iyadoo sii xoojinaysa doorkeeda ah albaabka ganacsiga iyo isku-xirka Soomaaliya iyo suuqyada caalamka.
Dekedda Muqdisho Xudunta
Ganacsiga Soomaaliya
