Kulanka Agaasimayaasha Maamulka Dekadda oo uu shir guddoomiyey Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur waxaana ku wehelinayey Maareeye Ku-xigeennada Dekadda, Dr. Ali Haji Mohamed iyo Mudane Abdalla Karashe.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka sanadkii la soo dhaafay, xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta waaxyaha iyo hay’adaha kale, iyo horumarinta anshaxa iyo isla-xisaabtanka shaqaalaha.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay wax-ka-qabashada maqnaanshaha iyo xadgudubyada soo noqnoqda, caddeynta mas’uuliyadaha, waqtiyada kama dambaysta ah iyo habka dabagalka go’aannada la gaaro.
Ujeeddadu waa in la xoojiyo hufnaanta, wada-shaqeynta iyo isla-xisaabtanka, si loo helo hawlgal dekadeed oo tayo leh, habsami leh, oo waxtar badan.