Mogadishu Port Authority

IMG_8452
Maalinta Cuntada Aduunka

Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba la wadaagayaa farriinta Maalinta Cuntada Adduunka, oo sannad kasta la xuso 16-ka Oktoobar, si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan sugnaanta cuntada, nafaqada wanaagsan iyo ciribtirka gaajada.

Dekedda Muqdisho waxay door muhiim ah ka qaadataa fududeynta soo dejinta, gaarsiinta badeecooyinka iyo raashinka, iyadoo ka shaqeysa xoojinta ganacsiga iyo sahayda cuntada ee dalka.

Aan si wadajir ah uga shaqeyno helitaanka cunto ku filan, ammaan ah oo nafaqo leh, si loo dhiso bulsho caafimaad qabta iyo mustaqbal wanaagsan.