Malmö, Sweden, 31 Agoosto 2026 — Maamulka Dekedda Muqdisho (MPA) ayaa ka qaybgalay Shirka Arrimaha Badaha ee Jaamacadda Badaha Adduunka (WMU) ee 2026, kaas oo magaalada Malmö ee dalka Sweden lagu qabtay 26–28 Agoosto 2026.
Shirka oo halku-dhiggiisu ahaa “Isbeddelka Wax-ku-oolka ah ee Gaadiidka Badda: Yaraynta Qiiqa Kaarboonka, Casriyeynta Dijitaalka ah iyo Hagidda Maraakiibta ee Badweynta Arctic,” ayaa isu keenay khubaro caalami ah oo ku takhasusay arrimaha badaha, siyaasad-dejiyayaal iyo daneeyayaasha warshadaha maraakiibta. Ka qaybgalayaashu waxay isku dhaafsadeen aqoon iyo aragtiyo ku saabsan horumarrada muhiimka ah ee qaabaynaya mustaqbalka waaxda badaha ee caalamka.
Wefdiga Maamulka Dekedda Muqdisho waxaa hoggaaminayey Maareeye Ku-xigeenka dekkada, Mudane Ismaaciil Aw-Muuse.
Ka qaybgalka Maamulka Dekedda Muqdisho ee madashan caalamiga ah wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay xoojinta aqoon-is-weydaarsiga, la socodka isbeddellada ka jira waaxda badaha ee dunida iyo in dekedda Muqdisho loo soo bandhigo bahda caalamiga ah ee badaha iyo maraakiibta.
Dadaalladani waxay gacan ka geysanayaan horumarinta waarta iyo u-diyaargarowga mustaqbalka ee dekedaha iyo guud ahaan waaxda badaha Soomaaliya.
