Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa ka qeybgalay madasha “Daneeyayaasha Kalluunka Soomaaliya Caqabadaha iyo Fursadaha” oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed – HCBS & Magan Forum .
Ka qeybgalka Maareeyaha Guud ayaa muujinaya doorka muhiimka ah ee Dekedda Muqdisho ku leedahay taageeridda dhaqaalaha buluugga ah, horumarinta kalluumeysiga, iyo xoojinta iskaashiga daneeyayaasha.
Sido kale madasha waxa Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho lagu guddoonsiiyey shaahado sharaf Uu ku mutaystay Shahaadadan Howl Karnimo iyo Doorka uu ka gaatay Ilaalinta Deegaanka iyo Noolaha Badda ee Khatarta ugu Jira Dabargo’da.
