Dekedda Muqdisho ayaa maanta soo dhaweysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo kormeer shaqo ku yimid Dekedda Muqdisho si uu ugu kuurgalo horumarka ka socda dekedda iyo mashaariicda casriyeynta.
Madaxweynaha ayaa booqday xarumaha muhiimka ah ee dekedda, waxaana uu kulan la qaatay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Abdulkadir Mohamed Nur iyo Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb Mohamed Ali Nur iyo maareeye ku-xigeenada Dr Ali Haji Mohamed & Eng Ismail Aw Musse isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan horumarka dekedda iyo qorshaha dhismaha Dekedda Cusub ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo Dekedda Muqdisho, isagoo xusay in horumarinta dekeduhu ay laf-dhabar u tahay kobaca dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga iyo abuurista fursado shaqo.