Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Mudane Ambassador Mohamed Ali Nur ayaa maanta soo saaray wareegta isugu jirta nidaamin iyo mamnuucid ku socota Gaadiidka ciladeysan iyo wadayaasha gaadiidleyda ee soogala gudaha Dekadda Muqdisho.
Waxaa shaacinta wareegtadan goob joog ka ahaa Maareeye ku-xigeenada Dekadda Muqdisho Dr. Ali Haji Mohamed, Mudane Abdallah kaarshe, Agaasimayaal iyo guddiga Iskaashatada Gaadiidleyda.
Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) ayaa tilmaamay in maamulka dekadda uu had iyo jeer muhiimad gaar ah siinayo horumarinta hawlaha Dekadda bilicda, iyo badqabka dadka iyo gaadiidka.
Agaasimaha Xafiiska Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Nor Tahlil ayaa warbaahinta la wadaagay wareegtada uu maanta soo saaray Maamulka Dekadda Muqdisho.