Dekedda Muqdisho ayaa Maanta si rasmi ah u soo dhaweysay shirkadda maraakiibta ee Akkon Lines, taas oo markii ugu horreysay ka bilowday adeegyo toos ah oo Soomaaliya ku xiran. Munaasabadda soo dhaweynta waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Xildhibaan Abdulkadir Mohamed Nur, Maamulka Dekedda Muqdisho oo uu hormuud u yahay Maareeyaha Guud Mudane Amb Mohamed Ali Nur, Maareeye ku xigeenka Dekedda Muqdisho Mudane Ali Haji Mohamed wakiillo ka socday Safaaradda Turkiga, iyo ganacsato Soomaaliyeed.
Adeeggan cusub ee maraakiibta ayaa la filayaa inuu xoojiyo ganacsiga iyo maalgashiga, isla markaana fududeeyo isku socodka badeecadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, taas oo gacan ka geysan doonta kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta iskaashiga ganacsi ee labada dal.
