Mogadishu Port Authority

Safiirka Dalka jabuuti u fadhiya Soomaaliya oo booqasho ku yimi Dekada Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), oo ay wehliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dekedda Muqdisho, Ismaaciil Aw Muuse iyo Dr. Cali Xaaji, ayaa dekedda ku soo dhoweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Amb. Osman Dubad, iyo wafdi uu hoggaaminayay. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, gaadiidka badda iyo horumarinta adeegyada dekedaha.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dekedood iyo dib-u-bilaabidda adeegga markabkii isku xiri jiray Dekedaha Muqdisho iyo Jabuuti, kaas oo istaagay sannadkii 2024. Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa codsi ku saabsan dib-u-bilaabidda adeeggaas u gudbiyay dhinaca Jabuuti.

​​​