Mogadishu Port Authority

4e3b4be2-af17-4802-80f5-2df7056dca7b
Safiirka Dalka talyaaniga u fadhiya Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku yimi dekada muqdisho

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Amb Mohamed Ali Nur oo uu wehaliyo Mareeye kuxigeen ka Dekada Mudane Ismail Aw Musse ayaa maanta qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò, Safiir Ku-xigeenka Lorenza Gambacorta iyo wafdi kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dekedaha Muqdisho iyo Trieste, isdhaafsiga khibradaha, tababarrada xirfadeed iyo horumarinta adeegyada saadka.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qaybgalay Guddoomiyaha ANOLF FVG APS, Mudane Ahmed Faghi Elmi iyo afar dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo loo xushay waxbarasho laba sano ah oo ku saabsan maamulka dekedaha iyo saadka, kana dhici doonta ITS Accademia Nautica ee magaalada Trieste, iyadoo loo marayo mashruuca FORLIS.

Maareeyaha Guud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga iyo Maamulka Gobolka Friuli Venezia Giulia taageerada ay ku bixiyeen mashruuca iyo horumarinta fursadaha waxbarasho ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga, laguna horumarinayo iskaashiga dekedaha iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.