Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dekedda, Dr. Ali Haji Mohamed iyo Mudane Abdallah kaarshe ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Marwo Xaawa Axmed Hilowle, oo ka mid ahayd shaqaalihii hore ee Dekedda Muqdisho.
Marwo Xaawo ayaa shaqada Dekedda Muqdisho bilowday sannadkii 1975 ilaa 1982 iyadoo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya ka shaqaysa oo kaxaysa gaadiidka foorliifka (forklift).
Soo dhaweynta Marwo Xaawo waxay xambaarsanayd xusuus, qadarin iyo maamuus loo sameeyay haweeney Soomaaliyeed oo door taariikhi ah ka qaadatay shaqada iyo horumarka Dekedda Muqdisho.
