Mogadishu Port Authority

IMG_7895
Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku yimi Dekadda Muqdisho

Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Dahir Shire Mohamed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka Eng. Cabdulqaadir Aadan oo hawla shaqa u yimid Dekadda Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Amb Mohamed Ali Nur.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Maareeye ku-xigeenka Dekadda Muqdisho Mudane Abdallah kaarshe ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta iyo sidii loo dardargalin lahaa horumarinta hawlaha Dekadda.

Wasiirka ayaa maamulka iyo shaqaalaha Dekadda Muqdisho ku bogaadiyay isbadalka shaqo iyo horumarka ka jira Dekadda.