Mogadishu Port Authority

Ganacasto ka socada Shiinaha iyo jabuuti oo booqasho ku yimid dekada muqdisho

Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Muqdisho, Dr. Ali Haji Mohamed, ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay ganacsato ka kala socday Shiinaha iyo Jabuuti.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Danjire Salaad Cali Jeelle, Lataliyaha Madaxweynaha.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen fursadaha maalgashi ee ka jira Dekedda Muqdisho, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo adeegyada dekedda.

Dekedda Muqdisho waxay sii waddaa dadaallada lagu soo jiidanayo maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah, si loo horumariyo adeegyada dekedda loona xoojiyo doorkeeda ganacsi ee Soomaaliya.