Maamulka Dekedda Muqdisho wuxuu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shaqaalaha, badmaaxiinta, dekedaha, hay’adaha iyo bah-wadaagta ka shaqaysa horumarinta iyo ilaalinta badaha, munaasabadda Maalinta Badda Adduunka (World Maritime Day).
Baddu waa halbowlaha ganacsiga caalamka, isku xirka bulshooyinka iyo dhaqaalaha, iyo laf-dhabarta horumarka waara. Dekedda Muqdisho waxay si joogto ah uga shaqaynaysaa horumarinta adeegyada dekedda, fududaynta ganacsiga, xoojinta amniga iyo badqabka badda, iyo kor u qaadista doorka Soomaaliya ee ganacsiga iyo isku socodka badda.
Munaasabaddan awgeed, waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay bad ammaan ah, adeeg hufan iyo horumar waara.
Dekedda Muqdisho Xudunta Ganacsiga Soomaaliya.
