Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya Kooxda Kubadda Koleyga ee Dekedaha, oo ku guuleysatay Koobka General Daauud ee Kubadda Koleyga 2026.
Kooxda Dekedaha ayaa guushan xaqiijisay kaddib markii ay ciyaartii finalka xalay kaga adkaatay kooxda Heegan, iyadoo ku badisay 80–64.
Hambalyo dhammaan ciyaartoyda, tababbarayaasha, maamulka iyo taageerayaasha Kooxda Kubadda Koleyga ee Dekedaha. Guushan waa mid sharaf iyo farxad u ah Maamulka iyo dhammaan bahda Dekedda Muqdisho.
